ebrahim cawil.
Gudoomiyaha xisbiga cusub ee jamhuuriga ah ee soomaaliya, (Somali Republican party).
Umadda Somaaliyeed waxa ay u baahantahay isbadal dhab ah oo ay hogaaminayaan dhalinyaro somali dhab ah kuna haga waddo iyo nolol dhab ah marka fadlan hadaad muwaadin soomaaliyeed oo dhab aad tahay si dhab ah noola shaqee si aan u gaadhno xal dhab ah.
Taariikhda asaasaha xisbiga jamhuuriga
-
Gudoomiyah xisbiga jamhuuriga
ASAASAHA XISBIGA UPSRP
Ebrahim Awil was muwaadin Soomaaliyeed kuna dhashay magaalo madaxda gobolka jubada hoose ee kismaayo xaafada calanleey cusbataalka guud ee kismaayo.
Waxbarashadiisa waxay ka bilaabatay dugsiga hoose dhexe calanleey loona garan ogaa (ELEMENTARE) halkaas oo ku qaatay ilaa fasalka sideedaad, kadibna wuxuu u gudbay waxbarashada dugsiga sare ee Khalid Bin Waliid high school, waxbarshada qaybaha kala duwan wuxuu ku qaatay dalka dibadiisa ixii ka dib sida Yemen, Libya, United States of America, halkaas oo uu ilaa maanta kasii wato waxbarashadiisa.
-
Ebrahim Cawil
Gudoomiyaha xisbiga jamhuuriga soomaaliya UPSRP
Xisbiga jamhuuriga waxaa lagu aasaasay fikrad lagu badbaadinayo jiritaanka umadda soomaaaliyeed oo halis ugu jirta inay ka baxdo qariirada Africa kadib markay cadawga umadda soomaaliyeed ku guulaysteen kala dirida shacabka soomaaliyeed iyo burburinta qalbiyada shacabka soomaaliyeed taas oo u sahashay cadowga umadda soomaaliyeed inay ku dhiiradaan kala dirista shacabka soomaaliyeed, waxgaradka soomaaliyeed ee wali damiirkoodu noolyaha oo uu ka mid yahay aasaasaha xisbiga Mr: Ebrahim Cawil waxay go’aan ku gaareen in ay dadaal ku bixiyaan soo celinta iso keenista walaalaha soomaaliyeed difaaca dalka iyo soo celinta kala dambaynta sharciga ay xoogga saaraan.
-
Ebrahim CAwil
GUDOOMIYAHA XISBIGA JAMHUURIGA SOOMAALIYA UPSRP
Ebrahim Cawil waa muwaadin Soomaaliyeed oo ka dharagsan aqoonta nolosha asaasiga ah ee aadanaha, haday noqoto wax soo saar, iyo haday noqoto difaaca dalka maadaama uu intaba ficil ahaan uga soo shaqeeyey una bartay labadaasuna waa labada tiir ee ugu muhiimsan nidaamka dalka iyo dadka lagu şamata bixiyo laguna socodsiiyo nolol maalmeedka ilaa inta aduunku taagan yahay.
Qof kasta oo soomaali ah maanta waa ka dharagsanyahay sida mas,uuliyad darada ah ee loo maamulay dawladnimada soomaaliya taas oo aan u dhicin aqoon daro laakiin ay ahead u qasdiyid iyo qeeyral mas’uulnimo aan wax xil aha la iska saarin iyadoo la adeegsanayo qaacidada ah maxaa iga galay, markaa dalka iyo dada soomaaliyeed waxay baahi u qaban isbadal lagu badbaadinayo dalka iyo dadka.
Sharaf iyi Awood Xisbiga UPSRP
〰️
Sharaf iyi Awood Xisbiga UPSRP 〰️
WADA SOCODKEENA GUUSHA LEH
Isla qabsashada wada socodkeena guusha leh ma ahan mid ciyaar ciyaar ku yimid ee waa mid soo jeed badan iyo tacab la galiyay, nolosha dadka ma ahan mid iska timaada laakiin wax walba xisaab iyo iyo shaqo ayay ku dhismaan.
riyadii rumowday
Doonista iyo halganka waa tacab ku bilaabma fakir ku salaysan dhismaha mustaqbal la rabo in lagu noolaado wakhtiga danbe ee soo socda, markt hadji doonistii maqantahay tacabkiina ma Jiro maxi yeelay waa sidii albaab iyo furihiisa.
DHISMAHA NOLOSHA
Bilowga dhismaha nolosha waxaa sabab u ah doonista lagu fakiro nolol ama lagu dhaqaaqo raadinteeda si loo abuuro nolosha markaa hadii marka hore doonis aysan jirin ka fakirkeedana ma jiro. ee marka hore hala helo doonis.