HALKAN KA BILOOW SAFARKII BARWAAQADA.
CASHARKA NOLOSHA
Sodon sano ka badan ayaa dhiiga iyo dheecaanka umadda soomaaliyeed laga ganacsanayay sababtana waxaa lahaa kuwo sheeganaya soomaali iyo siyaasiyiin taas oo ay umadda u gaysteen dhaawac ay adagtahay in dhakhso laga bogsado, laakiin amarka ilaahay waxaan maanta kuugu bishaaraynaynaa in xisbi barakaysan ee Republicin Party oo dhayi doona dhaawacyada halista ee loo geeystey shacabka soomaaliyeed iyadoo la marayo qaacidada cusub ee Seven X.
Hogaanka muuqda ee dhalinyarada waa qorax aan la qarin karin,
Dhalinyarada Mustaqbalka Dalkeena
1:1 Codka Dhalinyarada soomaaliyeed
Dhalinyarada soomaaliyeed waa kuwo fahansan oo dareensan dhagaraha loo maleegay oo jiritaanikooda lagu baabi’iyay laakiin wax walba oo biloowda dhamaad bay leeyihiin,
Xisbiga Somali Republican Party waxa uu u guntaday inuu gacmaha ka qabto kuwa siyaaasiyiinta sheegtay ee gacan saarka la lahaa cadowga umadda soomaaliyeed.
Fadlan nagu soo biir badbaadada umadda soomaaliyeed waa waajib muqadas ah oo muwaadin kasta oo soomaali ah saaran.
wacdaraha 2026
Sanadka 2026- da waxa uu noqon doonaa sanadka insha allaah uu dhici doono isbadal dhab ah oo isbadal muuqda lagu samayn doono hab dhaqanka foosha xun ee siyaasiyiinta soomalida ku hayaan dadka iyo dalka,
Nagusoo biir oo taageer xisbiga Somali Republican Party.
ka qayb qaado isbadalka masiiriga ah
u diyaar garoow waayaha cusub iyo wakhtiga wacan ee u bilaaban doona umadda soomaaliyeed 2026-da nala soo xiriir oo nala shaqee naga mid noqo naf iyo maalba noo hur muwaadin.
xisbiga jamhuuriga soomaaliyeed somali Republican party
Soomaaliya soomali baa leh
2026 election
“DADKU MARKAY XALKA NOLOSHA RAADINAYAAN. WAXAY IS BARBAR DHIGAAN TALAABOOYINKA AY QAADAYAAN TA SAXDA AHNA WAY DOORTAAN IYAGOO KARTIDOODA IYO NASIIBKOODA KAASHANAYA, CAQLIGA SUUBAN WUXUU KUU HORSEEDA XAL WAARA.”
Ebrahim Awil
qofna Ha u ogolaan inuu kaa iibsado sumcadaada
Myhra Jones
Professional Chef and Nutritionist
Dhalin yarada Soomaaliyeed waa kuwo xaqiiqdii karti dheeraad ah ilaahay ku manaystay marka loo eego dhigooda Africa, waxaa xaqiiq ah waxa ka leexiyay jidkii saxa ahaa ee ay mustaqbalkooda ku waynayn lahaayeen waa aabayaasheen oo doortay wadadii burburka intii ay dooran lahaayeen mustaqbal nuur iyo nasteexo leh oo aan dhamaad lahayn.
taageer xisbigaaga jamhuuriga ah
Dhismaha xisbiga upsrp.
Ilaa hadeer dhismaha xisbiga jamhuuriga Soomaaliyeed ama Somali Republican Party ayaa u muuqda mid xawli ku socda ka dib markay dhalinyarada Soomaaliyeed is barbar dhigeen wixiii tagay iyo waxa jooga, hoos ka eeg sida UPSRP uu u dhaafayo kuwa kale kadib wax qabad la’aantooda iyo wax isdaba marinta ay ku hayaan dalka dada iyo diinta .